Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad Kale oo loo Xiray Weerarkii London


London
London

Booliska magaalada London ayaa maanta sheegay in laba qof oo kale ay u xireen weerarkii ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka Britain.

Madaxa ka hortagga argagixisada ee booliska London, Mark Rowley ayaa xarigan cusub ku macneeyey “mid muhim ah”, inkasta oo uusna bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Waxa uu sheegay in guud ahaan sagaal qof ay iminka xabsi ku jiraan, ayada oo hal qof lasii daayey.

Saraakiisha booliiska ayaa qofkii weerarka geystay ee afarta qof ku dilay banaanka xarunta baarlamanka ku sheegay Khalid Masood, oo ah nin British ah oo diinta Islaamka qaatay, kaasi oo diiwaanka ay ugu jireen eedeymo badan oo la xiriira hub haysasho iyo dambiyo kale.

Rowley ayaa sheegay in magaca Masood ee dhalashadiisa uu ahaa Adrian Russell Aja, waxa uuna dadweynaha ka codsaday inay usoo gudbiyaan wixii akhbaar ah oo ay ka hayaan.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay in Masood uu ahaa ‘askari’ ka tirsan kooxdan argagixisada.

XS
SM
MD
LG