Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICRC: Afar Bil Ayaa Naga Xigta Macluul Dhacda


 Dominik Stillhart
Dominik Stillhart

Hay’adda ICRC ayaa ka digtay in kaliya saddex illaa afar bil oo fursad ah la haysto si loo weeciyo macluul dhacda oo malaayin qof ku disha saddex dal oo African ah iyo dalka Yemen.

Hay’addan gargaar ee dalka Switzerland ayaa sheegtay in muhiimaddu ay tahay deg deg wax u qabasho si looga hortago musiibo ka dhacda qeybo ka mid ah dalalka Somalia Yemen, Koonfur Suudan iyo Waqooyiga Bari ee Nigeria.

“Xaaladda ma ahan sidii caadiga ahayd. Labaatan milyan oo qof oo wajahaya macluul ma ahan wax aan maalin kasta aragno, sidaas darteed waxaan u baahannahay inaan hadda tallaabo qaadno. Haddii aan tallaabo qaadno hadda, gaar ahaan Somalia iyo Yemen, macluusha waa la weecin karaa” waxaa sidaas yiri agaasimaha howlgalada ICRC Dominik Stillhart.

Stillhart ayaa sheegay in hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha looga baahan yahay inay cashar ka bartaan wixii dhacay 2011, markaasi oo laga daahay in jawaab laga bixiyo macluushii Somalia, taasi oo dishay 260,000 oo qof, oo in ka badan bar ay ahaayeen caruur ka yar shan sano jir.

ICRC ayaa waxay billowday codsi ay ku dooneyso 400 oo milyan oo dollar si ay cunno, biyo, meel ay ku hoydaan iyo daryeel caafimaad u siiso shan milyan oo qof oo ah dadka ugu baylahan ee ku nool afar dal oo ay macluusha saameyneyso.

XS
SM
MD
LG