Markab ay burcad badeed ku haysteen xeebta Puntland ayaa si nabad ah lagu siidaayey. Markabkan oo laga leeyahay dalka Imraadka Carabta islamarkaasna u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed ayaa xaley fiidki ay ka dhaadhaceen burcad badeed afduubka u haysatey tan iyo Axadi.
Agaasimaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Puntland, Cabdiraxmaan Xaaji Xassan oo u waramey wariyaha VOA, Jacfar Kuukaay ayaa beeniyey in ay jiraan wax wadahadal ah oo dhexmarey maamulka Puntland iyo dableydi falkan geysatey.
Halkan ka dhageyso: