Xeel-dheerayaasha waxbarashada iyo khubaro madaxbannaan oo ku sugan Gobolka ay deggan yihiin Soomaalida ugu badan Minnesota ayaa si weyn u dhalliilaay heerka waxbarasjada ee ardayda Soomaalida.
Khubarada iyo macalimiinta iskuullada ayaa sheegay in ardayda ku jirta iskuullada sare aysan wada qalin jebin, inta jaamacadda gashaana ay ka yartahay intii ugu horrayn isku diiwanagelisay iskuullada.
Haddaba waa sidee heerka waxbarsshada carruurta Soomaalida? Muxuu yahay xiririka ka dhexeeya waxbarashada iyo xiririka waalidka iyo ilamaha? Ma jiraa xiriir ka dhexeeya qalin-jebin la’aanta iyo iyo in dhalinyaradu faraha la galaan falal dambiyeedyo? Waxaanu idiin soo gudbinaynaa qaybtii labaad ee Barnaamijyo taxane ah oo ku saabsan xaaladda waxbarashada carruurta iyo dhalinyarada Soomaalida ee Minnesota.
Qaybtan waxay ku saabsantahay xiriirka waxbarshada iyo dhaqanka? Waxaa inoo soo diyaariyey soona jeedinaya Haaruun Macruuf.