Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Qaraxyadii Muqdisho oo Kordhay


Qarax
Qarax

Tirada dadka ku dhintay laba qarax oo maanta ka kala dhacay degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa korodhay, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Qaraxyada kan hore ayaa saaka ka dhacay degmada Wadajir waxaana ku dhintay laba qof.

Qaraxa labaad ayaa isna maanta ka dhacay agagaarka huteelka Weheliye ee ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama, waxaana la sheegay in qaraxani gaystay khasaare ballaadhan oo gaadhsiisan 11 dhimasho ah, sida ay sheegeen mas’uuliyinta adeegga ambalaasyada Muqdisho.

Ugu yarana 22 qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen labada weerarka.

Dhinaca kalena, ciidamada amniga ee magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inay toogteen nin jidhkiisa ay ku xidhnaayeen waxyaabaha qarxa ka hor inta uusan gelin maqaayad ku taalla magaalada, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan magaalada.

XS
SM
MD
LG