Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Qarax Baabuur oo Muqdisho ka Dhacay


Qarax
Qarax

Lix qof ayaa inta la xaqiijiyey ku geeriyootay, tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, laba qarax oo baabuur oo siyaabo kala duwan maanta uga dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Mid ka mid ah qaraxyada oo loo adeegsaday baabuur ayaa ka dhacay albaabka hore ee Hotel Wehliye, oo ku yaalla waddada mashquulka badan ee Maka al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaas ku dhintayo shan qof.

Afhayeenka mamaulka gobolka Banaadir Cabdiftaax Cumar Xalane oo xaqiijiyey dhimashada shanta qof, ayaa sheegay in sidoo kale shan qof oo klae ay ku dhaawcameen qaraxa.

Taliyaha ciidamada booliiska ee qeybta Waliyow Cadde, gaashaanle sare Maxamed Daahir ayaa VOA u sheegay in qaraxa loo adeegsaday gaari nooca Noha looga yaqaan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, qarax labaad oo loo adeegsaday baabuur nooca rakaabka ee Hoomey looga yaqaan Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay hal qof, halka saddex qof oo kalena ay ku dhaawcameen.

Qaraxan ayaa ka dhacay meel ku dhow xero ciidamada lagu tababaro oo ku dhow warshaddii Nacnaca, kuna taalla degmada Wadajir.

Weriyaheena Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:00 0:00

XS
SM
MD
LG