WASHINGTON. DC —
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Axadii uga digay Dowlada Holland inay ka shaly doonto go,aanki ay ugu diiday inay dalkeeda galaan laba wasiir oo Turkish ah.
Wasiirka arrimaha dibadda Mevlut Cawuzoglu iyo wasiirada Qoyska Turkiga Fatma Betul Sayan Kaya, ayaa laga hor istaagay inay galaan dalka Holland si ay uga qeybgalaan isu soo bax ay jaaliyadda Turkiga ee Holand ku taageeri lahaayeen aftida 16-ka bisha April ka dhici doonto Turkiga.
Warbixintaan waxaa inooga diyaariyey wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur Bukhaari.