Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AMISOM oo Ciidamo Cusub Dalbanaysa


Madaxa Hawlgalka Ciidamada Midawga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa raadinaya in ciidamo dheeraad ah loo soo diro Soomaaliya si ay uga guulaystaan kooxda al Shabaab isla markaana ugala wareegaan goobaha ay gacanta ku hayaan.

Codsiga Francisco Madeira ee ku aaddan in la keeno Soomaaliya Ciidamo aan tiradooda la cayimin, oo ka yimaadda dalalka Midawga Afrika, ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan walaac la xidhiidha in ciidanka Milateriga Soomaaliya aanu weli diyaar u noqon inuu la wareego ammaanka dalka, iyada oo la filayo in ciidamada AMISOM ee gaadhaya 22,000 ay dalka ka baxaan marka la gaadho dhammaadka sannadka 2020.

Ururka Alshabaab ayaa sii wada weerarada ay dadka badan ku dhintaan ee ay ka fuliyaan caasimadda soomaaliya ee Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ku yaalla. Weerarada ururku uu ku qaaday, labadii sano ee ugu dambaysay, saldhigyada milateri ayaa hoos u dhigtay hawlgalladii wada jirka ahaa ee ay fulinayeen ciidamada midawga afrika iyo kuwa Soomaalida ee lagu qaadayey ururkan.

Fariinta ka timi Madeira ayaa ku soo beegantay iyada oo isla maalintaas uu digniin soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaabilsan Afrika, waxana digniintaas sheegay Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Afrika xilli uu ku sugnaa Washington, isaga arrintan u gudbiyey guddida Senateka Maraykanka ee qaabilsan arrimaha ciidamada.

Sida qorshuhu yahay, Ciidamada AMISOM ayay tahay inay bilaabaan inay dalka Somaliya ka baxaan sannadka 2018, hase ahaatee Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika General Thomas Waldhauser ayaa sheegay, in haddii sidaasi ay dhacdo oo Ciidamada Midawga Afrika ay bilaabaan inay baxaan iyada oo ciidamada Soomaalidu aanay awood u yeelan inay ammaanka la wareegaan, inay dhici karto in qaybo badan oo Soomaaliya ahi inay gacanta u geli doonaan in ururka Alshabaab ay dib ula wareegaan ama ururka ISIS fursad u siiso inay ku sii xoogaystaan Soomaaliya.

Taliska Maraykanka ayaa sheegay in kooxaha gacansaarka la leh ISIS inay ka mid yihiin halisaha ugu dambeeyey ee haatan soo foodsaaraya dalka Somalia, ka dib markii kooxahaasi ay ka goosteen ururka alshabaab sannadkii 2015.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay inay haatan ku talo jiraan inay door intan ka ballaadhan ku yeeshan hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, laakiin ay ka koobnaandoonto weeraro xagga cirka ah oo ay ku jiraan kuwa duqaymaha ay sameeyaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo in la ballaadhiyo hawlgallada gaarka ah ee lagu gacan siinayo ciidamada gudaha.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo haysta dhalashada Maraykanka ayaa bishii hore la wareegay talada dalka Soomaaliya, wuxuuna isku dayayaa inuu baahiyo awoodda xukuumadda dhexe isla markaana uu gaadhsiiyo qaybo badan oo dalka ah.

Toddobaadkan waxaa Soomaaliya booqasho ku tegey Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres, wuxuuna ku baaqay in taageero loo fidiyo ciidamada Midawga Afrika ka dib markii Midawga Yurub oo ahaa dalka lacagaha ugu badan ugu deeqa ay sannadkii hore ku dhawaaqeen inay jareen 20% oo ka mida lacagihii ay siin jireen.

XS
SM
MD
LG