Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabaddoon Xarrago oo Xabsiga Laga Sii Daayey


Boosaaso
Boosaaso

Waxa xabsiga Boosaaso maanta laga sii dayay nabaddoon C/qaadir Axmed Ibraahim (Xarrago) oo ah afhayeenka nabaddoonada gobolka Bari ee Puntland, kadib markii ciidamada Puntland ay xabsiga dhigeen 25 kii bishii February ee sanadkan.

Sii deynta nabaddoonka, ayaa waxa dadaal u galay nabaddoono kale iyo odayaal, sida ay goob joogayaal VOA u sheeganna, waxa maanta la hor geeyay maxkamadda darajada kowaad, halkaas oo ugu dambeyn loogu sheegey in uu xur yahay, iyadoo aan la maxkamadeyn.

Xarrago, ayaa la xirey kadib markii uu wareysi siiyay VOA dhammaadkii bishii tagtay ku sheegay in dhalinyaro loo haystay xiriir ay la leeyihiin Al-Shabab ay ka muuqatay jirdil, isla markaana uu ku baaqay in xukunkooda dib loo eego.

XS
SM
MD
LG