Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Qaraxyo Lagu Dhaawacay Mas'uuliyiin


Wararka ka imaanaya magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka degmada Cabdi Ibraahim Show-Show uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Guddoomiye ku xigeenka oo ay VOA-du la hadashay ayaa xaqiijiay in dhaawac uu ka soo gaaray weerarka.

Dhinaca kale, mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Faarax Bootaan iyo qof shacab ah oo la socday ayaa dhaawac cucul uu ka soo gaaray qaraxa walxa isna loogu xiray gaarigiisa.

Goobta falkan uu ka dhacay ayaa aheyd meel ku dhow hotelka Kalasik ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana dhinaca Waqooyi.

Wariyaha VOAda uga soo warama Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in mudanaha iyo qofka rayidka ah ee la socday ay qabaan dhaawacyo culus.

XS
SM
MD
LG