Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Daacuunka oo Somalia ku Dilay 196 Qof


The logo of the United Nations is seen on the outside of their headquarters in New York, Sept. 15, 2013.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku duwidda gargaarka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo OCHA ayaa sheegay in ku dhawaad sideed kun oo kiis oo cudurka Choleraha ah laga soo wariyay Somalia, islamarkaana196 qof ay u dhinteen tan iyo bilowgii sanadkan 2017-ka.

OCHA ayaa warbixin kooban oo ay arrinta daacuun caloolaha ka soo saartay ku sheegtay in xogtan ay ka soo ururiyeen 38 degmo oo ka tirsan 11 gobol oo Somalia ku yaala.

Xafiisku waxa uu sheegay in kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurkan laga soo sheegay gobolka Bay.

Warkan ayaa ku soo beegmay kadib markii dhawaan dowladda Somalia ay sheegtay in dad boqol qof ka badan ay nafaqa darro iyo shuban ka dhashay abaaraha ugu dhinteen Somalia, gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool.

Dowladda Somaliya ayaa iyana dhawaan ku dhawaaqday in Somalia ay gashay musiibo qaran.

XS
SM
MD
LG