Qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka ayaa sheegay in agaasimaha hey’ada FBI-da Mareykanka James Comey uu weydiistay Waaxda Cadaaladda in ay si cad u diiddo eedeynta uu madaxweyne Donald Trump ku sheegay in madaxweyne Barack Obama uu dhageystay telefoonada daarta Trump ee magaalada New York.
Wargeyska New York Times iyo Telefishinka NBC News ayaa ku warramay in Comey uu aaminsan yahay in ay eedaha Trump ay yihiin kuwo been ah.
Waxaa kale oo ay sheegeen in uu meesha ka saaray in FBI-du ay arrintani ku lug laheyd.
Waaxda Cadaaladda iyo FBI-da midna kama aysan hadlin ilaa iyo iminka hadalkan ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.
Donald Trump oo eedeymahan ku sheegay qoraallo dhowr ah oo uu sabtidii soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaan yaboohin wax caddeymo ah oo muujinaya in Obama uu dhageystay taleefonadiisa.