Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalo Ka Dhacay Bariga Suuriya


Rebel fighters pose for a picture in a damaged neighborhood in the northern Syrian town of al-Bab, Syria, March 4, 2017.
Rebel fighters pose for a picture in a damaged neighborhood in the northern Syrian town of al-Bab, Syria, March 4, 2017.

Xoogaga isku magacaabay ciidamada dimoqraadiga Suuriya ee uu taageero Mareykanka ayaa sheegay inay dib u bilaabeen howlgal ay doonayaan in ay kooxda Daacish kaga qabsadaan magaalada Raqqa, kadib hal todobaad oo ay hakad geliyeen.

Bayaan kasoo baxay kooxdan oo ay hogaanka u hayaan maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ayaa lagu sheegay, in ay doonayaan inay kala go,doomiyaan isu socodka magaalooyinka Raqqa iyo Deir Ezzor oo ay labaduba ku xoogganyihiin kooxda Daacish.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ujeedkoodu yahay in ay qabsadaan deegaanada ku teedsan wabiga Furaat iyo wadooyinka aada magaalada Raqqa.

Kooxahan dagaalka kula jira Daacish ayaa Axaddi qabsaday ilaa iyo todoba tuulo oo ku yaalla gobolka Deir Ezzor, kadib dagaalo qaraar oo ay la galeen maleeshiyada Daacish.

XS
SM
MD
LG