Maalmo yar un ka dib markii Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in Somalia ay gashay xaalad Musiibo oo dhinaca abaaraha ayaa waxaa isa soo taraya. Dadka u dhimanaya cudurro iyo nafaqa darro lala xiriiriyay abaaraha.
Ra’isul Wasaaraha Somalia oo maanta shir Ja’raaid ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in 110 qof ay 48kii saacadood ee la soo dhaafay u dhinteen Abaarah, gaar ahaan gobolada Bay iyo Bakool.
Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxmaan Qoyste.
Dhinaca kale, Dad tiradoodu gaareyso ilaa toddoba qof ayaa u geeriyooday abaaraha iyo xannuuno ka dillaacay deegaanno ka mid ah Somaliland, kuwaas oo ay u dambeeyeen laba qof oo arbacadii la soo dhaafay ku geeriyooday koonfurta magaalada Burco. Deegaannadan waxa ka dillaacay cudurka jadeecada.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.