Somalia waxay dhawaan yeelatay madaxweyne cusub iyo Ra’isul Wasaare. Madaxweynaha ayaa caleema saarkiisa ka dib safar ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudiga oo uu kula soo kulmay madaxda dalkaas.
Talaabadaas oo loo arkay mid uu ku doonayo inuu ku abuuro xiriir xooggan oo ay dowladiisa la yeelato dalalka Carabta.
Qaar ka mid ah dadka ka faalooda siyaasadda gobolka Geeska Africa ayaa sheegaya inuu jiro, tuhun ay dalalka deriska ah ka qabaan nooca uu noqon doono xiriirka cusub ee dowladda Farmaajo kala dhaxeyn doona.
Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintaasi warbixintan gaarka ah ku eegaya.