Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa maanta sheegay in dowladda uu soo dhisi doono ay ahmiyadda koowaad siinayso sidii ay wax uga qaban lahayd abaaraha taagan qeybo ka tirsan Somalia.
Hadalkan ayuu ka sheegay Xasan Cali Khayre munaasabad uu maanta xilka ugala wareegay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ku timaada la tashiyo badan.
Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo dirtay Seynab Abuukar.