Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka Dhacay Sh/Dhexe oo Askari Lagu Dilay


Ciidamada dowladda
Ciidamada dowladda

Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku dhintay ka dib markii baasuuke lagu dhuftay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo marayay inta u dhexeysa degaanada War-ciise iyo War-dhagax.

Guddoomiye ku xigeenka Aminiga iyo Siyaasadda ee degmada Jowhar Abshir Caddow Hiraabe ayaa VOA-da u sheegay in ciidanka la weeraray ay ka soo noqdeen degmada Biyo Cadde oo ay mushaaraadkooda ka soo qaateen.

Waxa uu sheegay inay tuhmayaan in kooxda Al-Shabaab ay weerarkan ka dambeysay, maadaama ay deegaanka ku badnaayeen maalmihii dhowaa, balse ay wadaan baaritaan arrinta la xiriira.

Caasho Ibrahim ayaa khadka taleefanka ku wareysatay Abshir Caddow Hiraabe.

Weerar lagu dilay askari
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG