Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xasan Kheyre oo Baarlamanka u Ansaxshay Inuu Noqdo Ra'iisul Wasaare


Xasan Kheyre
Xasan Kheyre

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh kalsoonida ku siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo 23-kii February uu u magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa helay dhammaan codadka 231 xildhibaan oo fadhiyey kulankii maanta.

“Waxaad igu aaminteen xil iyo masuuliyad qaali ah, oo u baahan hufnaan, karti iyo daacidnimo, waxaana hortiina ka ballan qaadayaa wada-shaqayn dhow iyo wada-tashi joogta ah, si aan dhammaanteen habsami ugu gudanno waajibaadka na saaran, una xaqiijino waxqabadka Shacabka Soomaaliyeed nooga fadhiyo” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo xildhibaanada uga mahad-celiyey codkii ay siiyeen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u sheegay xildhibaanada inuu si dhaqso leh u soo dhisi doono xukuumad tayo leh, uuna wadatashi dhinac kastaba leh la wadaagi doono qeybaha ay khuseyso, si loo helo xukuumada ku fadhida matilaad buuxda iyo kalsoonida shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa furay kalfadhiga koobaad ee Baarlamaanka 10-aad, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste

Baarlamanka oo ansixiyey Kheyre
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:07 0:00

XS
SM
MD
LG