Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Xalay Masaajid Dhexdiisa Ku Dishay Nin Tafsiir Dhageysaneyey


Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho
Masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee Muqdisho

Kooxo Hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay gudaha masaajidka Bandhabow ee degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, Maxamed Cumar oo ahaa mas,uul horay xil uga soo qabtay degmada Xamar Jajab.

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Muqdisho, marxuumka ayaa la dilay isaga oo dhageysanaya tafsiirka qur'aanka kariimka oo masjidkaasi ka socday. Kooxdii dilka gaysatay ayaa si fudub goobta uga baxsatay mana jirto wax hadal ah oo ku saabsan dilka marxuumka oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowlada fedraalka.

Dhinaca kale ururka Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeeyeen dilka marxuum Maxamed Cumar waxana sida ay warisay idaacada Andulus ee ku hadasha afka al shabaab sheegtay in dilka marxuumka ay iyagu ka danbeeyeen waxeyna ku eedeeyeen inuu ka mid ahaa sirdoonka dowlada Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG