Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Qabsatay Deegaanka Ceelhuur


Shabaab
Shabaab

Maleeyshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deeganka Ceelhuur oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobalka Mudug, qiyaastiina 40 KM dhanka Koonfurta kaga beegan.

Waxaa yar wararka laga helayo degmada Hobyo iyo deegaanka ay Al-Shabaab la wareegeen kadib markii hawada laga saaray isgaarsiintii deegaanka ka shaqeyn jirtay.

Dhinaca kale. warar VOA ay ka heshay dad ku sugan deegaan ka agdhaw Ceelhuur ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab markii ay la wareegeen deegaanka ay gubeen guryo iyo goobo ganacsi oo sida la sheegay ay lahaayeen dadka deegaanka.

Maamulka Galmudug kama uusan hadlin la wareegitaanka Ceelhuur hasa ahaatee dad ku sugan deegaanka Wisil oo VOA ay la hadashay ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in Al-Shabaab ay gudaha u galaan degmada Hobyo ee Gobalka Mudug

XS
SM
MD
LG