Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal ka Dhacay Deegaanka Beerxaani


Ciidamada Kenya
Ciidamada Kenya

Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM ayaa maanta weerar ku qaaday deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ku suggan deegaanka Beerxaani ayaa VOA-da u xaqiijiyay in ciidamada is garabsanaya oo wata taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ay hareereeyeen tuulada kadibna ay rasaas iyo duqeyn ku qaadeen fariisimaha maleeshiyada Al-Shabaab ee Beerxaani, halkaasna uu ka dhacay dagaal socday ku dhawaad hal saac.

Ilaa iyo hadda s rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee soo kala gaadhay dhinacyada dagaallamay, hase yeeshee waxaa jira labo ruux oo ka tirsan dadka deegaanka oo uu dhaawac ka soo gaaray rasaasta la isku adeegsanayay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka kuwaasi oo duqeyn dhanka cirka ah u geystay saldhigayada deegaanka ee Al-Shabaab, waxaana sidoo kale jira warar kale oo sheegaya in ciidamada is garabsanaya ee weerarka ku qaaday Beerxaani ay bartilmaamsanayeen sarkaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo aanan wali magaciisa la shaacinin.

Masuulyiinta Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin weerarka ay Ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay ku qaadeen deegaanka Beerxaani.

XS
SM
MD
LG