Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mattis: "Ma Dooneyno Saliidda Ciraq"


Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa maanta sheegay in Mareykanka aanu damacsaneyn inuu qabsado saliidda Ciraq, taasi oo ah arrin madaxweyne Donald Trump uu horey ugu ololeeyey si loga hortago in kooxda Daacish ay iibiso.

Mattis ayaa weriyayaasha la hadlay isaga oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Ciraq, xilli maalinti labaad uu guda galay howlgal milatari oo ciidamada Ciraq ay doonayaan in magaalada Mosul ay kaga qabsadaan kooxda Daacish.

“Dhammaanteen, dadkeena ku sugan qolkan iyo dadka Mareykanka joogaba, waan iibsanaa shidaalka iyo saliidda, waxaana hubaa in taasi ay sii socon doonto mustaqbalka” ayuu yiri Matiis.

“Uma joogno Ciraq in qabsano saliidda cidna” ayuu sii racaiyey.

Socdaalka Mattis uu ku joogo Ciraq ayaa waxaa qeyb ka ah kulan uu la qaadan doono ra’iisul wasaaraha dalkaas Haider al-Abadi iyo saraakiil kale oo uu ka mid yahay General Stephen Townsend, oo hoggaamiya isbaheysiga Mareykanka uu hoggaaminayo ee ka shaqeynaya sidii looga adkaan lahaa kooxda Daacish.

Mattis ayaa sidoo kale ka shaqeynaya qorshe looga adkaanayo kooxda Daacish oo madaxweyne Trump uu amray in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu soo bandhigo.

XS
SM
MD
LG