Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabar Soomaali Ah oo Iska Soo Sharaxday Boston


Deeqa Jabril

Maalmahan waxaa warbaahinta dalkan Maraykanka si weyn ay u hadal hayeen gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Deeq Maxamed Jibriil oo shaacisay inay u tartamayso xildhibaanimada deegaanka ee magaalada Boston ee Gobolka Massachusetts oo ku yaalla Waqooyiga Bari ee dalkan Maraykanka.

Tartanka Deeqo Jibriil ayaa kusoo beegmay iyadoo dadka qaxootiga ah gaar ahaan kuwa ka imanaya toddoba waddan oo ay ku jirto Soomaaliya ay culays kala kulmeen wareegto kasoo baxday madaxweynaha waddankan Donald Trump.

Khadka telefoonka ee Boston ayaa Haaruun Macruuf uu ku waraystay Deeqo Jibril, waxaana uu ugu horrayn weydiiyey goorta ay go’aansatay inay tartanto.

Wareysi: Deeqa Jabriil
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:18 0:00

XS
SM
MD
LG