Isku xirrada

Muqdisho: Weerar Hoobiye oo Dilay Laba Caruur ah


Muqdisho

Hoobiyayaal ayaa maanta lagu soo warramayaa inay ku dhaceen meel u dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo khasaare nafeed uu ka dhashay.

Ugu yaraan laba caruur ah ayaa ku dhintay hoobiyayaasha, ayada oo dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane.

Hoobiyayaasha ayaa lasoo tuuray waxyar ka dib markii ay dhammaatay xafladdii ay xilka ku kala wareegeen madaxweynaha cusub iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Cabdifataax Cumar Xalane, afhayeenka gobolka Benaadir ayaa u warramay weriyaheena Jacfar Kuukay.

XS
SM
MD
LG