Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya Robert F. Godec ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Danjire Robert F. Godec iyo barasaabka Gaasrisa Nadiif Jaamac ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha qaxootiga xerada Dhadhaab ee dalka Kenya.
Waxa uu difaacay go’aanka madaxweyne Trump oo ku mamnuucay dadka qaxootiga Soomaalida ay ku jiraan ee tagaya dalka Mareykanka, inkasta oo xaakim uu arrintaas iminka hakiyey.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay islamarkaana soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo haysta dhalashada dalka Mareykanka.
Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Gaarisa.