Saddexdii dawladood ee u dambeeyey ee Soomaaliya yeelato waxaa caqabadda ugu weyn ee soo waajahday uguna dambaynna fashilisay istaraatijiyadoodii amniga uu ahaa dagaalka ururka Al-Shabab uu kala hortagay dawaladahaas.
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay tododbaakii hore ayaa si weyn ay usoo dhoweeyeen shacabk Soomaalida.
Haddaba Madaxweynaha taageeradaas shacabku siiyeen ma uga faa’iidaysan karaa inuu wax kaga qabto dhinaca amniga? Madaxweynuhu ma la iman karaa siyaasad ka duwan tii madaxdii isaga ka horraysay ay kala hortageen Al-Shabab. Warbixintan waxaa inoo diyaariyey Haaruun Macruuf.