Isku xirrada

Dhallinyaro Lagu Xukumay Boosaaso


Boosaaso

Maxakamad ku taala magaalada Bosaaso ee Maamulka Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday toddoba dhalinyaro ah oo lagu soo eedeyay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dhallinyaradan ayaa waxaa lagu eedeeyey inay magaalada Boosaaso ka fuliyeen dilal loo geystay madax ka tirsaneyd maamulka Puntland.

Dadka lagu eedeeyey inay dileen waxaa ka mid ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada Booliska Puntland, Agaasimihii madaxtooyada magaalada Boosaaso iyo Xeer Ilaaliyihii Guud ee maxkamada Ciidamada Puntland.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada gobolka Bari iyo Sanaag Col. C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in maxkamada la hor keenay caddeymo dhameystiran oo la xiriira falalkii dilalkii ka dhacay magaalada Boosaaso bilihii la soo dhaafay iyo in dhalinyaradaasi ay ka danbeeyeen.

Warkan waxaa faahfaahinaya Jamaal Axmed Cusmaan

XS
SM
MD
LG