Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Dhexe: Weerar Lagu Dilay Laba Askari


Laba askari oo ciidanka dowladda iyo mid ka mid ah malaeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ay kooxda Al-Shabaab saaka aroortii ku qaadeen bar kontarool oo ku taalla deegaanka Qalimow ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Goobjoogayaal ayaa Idaacadda VOA u sheegay in weerarku uu dhacay wax yar ka hor salaaddii subax, waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 3 qof oo laba ka mid ah ay shacab ahaayeen.

In kastoo aanu jirin wax war ah oo dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda ka soo baxay, ayaa haddana wararka laga helayo dadka deegaanka waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ay ciidanka gacanta ku dhigeen isagoo nool.

Deegaanka Qalimow ayaa Muqdisho ilaa 50 KM dhinaca Waqooyi ka xiga.

Al-Shabaab ayaa dhawaanahan kordhiyey weeraro ay ku qaadayaan deegaano u dhow magaalada Jowhar oo xiligan xarun u ah maamul gobaleedka Hirshabelle.

XS
SM
MD
LG