WASHINGTON. DC —
Madaxweynaha cusub ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa marki ugu horeysay la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee VOA.
Wareysigan oo dheer ayuu qeybta koowaad oo aad idaacadeenaan subaxnimo ku dhageysan doontaan, wuxuu kaga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay kujiraan qorshihiisa 100-ka maalmood ee soo socda.
Madaxweyne Farmaajo oo u warramay wariyaha VOA-da Falastiin Axmed Iimaan ayaa ugu horreyn wuxuu ka tacsiiyeeyey geeridi ku timid madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Generaal Cadde Muuse.