Isku xirrada

Jabuuti oo Doorashada Farmaajo Soo Dhoweysay


Aadan Xasan Aadan

Qaar ka mid ah dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dawladda Djibouti ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso madaxweynaha la doortay.

Danjiraha Djibouti u fadhiya magaalada Muqdisho Dr. Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in beesha caalamka oo dalkiisu ka mid yahay ay mas’uuliyadi ka saaran tahay in dareenka haatan lagu soo dhoweeyey madaxweynaha cusub in looga faa’iidaysto nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya oo lagu taageero xukuumadda Soomaaliya.

Danjiraha ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho ugu waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

XS
SM
MD
LG