Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya


Maxamed Cabdullaahi

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, kadib markii uu ka adkaaday Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku guuleystay.

Farmaajo ayaa helay codadka 184 xildhibaan, Xasan Sheekh ayaa helay 97 cod, halka Shariif Sheekh Axmed uu ka helay 46 cod.

Waxaa loo gudbi lahaa wareegga saddexaad maadaama midna uusan wareegga labaad ku helin 219 cod.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegga saddexaad kula tartami lahaa Farmaajo, ayaa sheegay inuu tanaasulay, waxaana sidaas madaxweyne ku noqday Farmaajo, oo xilka loo dhaariyey.

Sahra Cabdi Axmed ayaa ka warrameysa qaabkii ay doorashada u dhacday.

Farmaajo oo loo doortay madaxweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:27 0:00

XS
SM
MD
LG