Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareegii Koowaad ee Doorashada oo Dhammaaday


Doorashada Somalia
Doorashada Somalia

Wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo dhammaaday ayada oo la tiriyey natiijada codadka.

Wareegii koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa soo dhammaaday ayada oo la tiriyey natiijada codadka.

Waxaa wareegan ugu codad batay madaxweynaha iminka talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, oo helay 88 cod, waxaana kaaalinta labaad galay ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Cabdullaahi Faraamjo oo helay 72 cod.

Waxaa sidoo kale kusoo xigay Shariif Sheekh Axmed oo helay 49 cod, iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo helay 37 cod, ayada oo afartan musharax ay yihiin kuwa u gudbaya wareegga labaad, haddii qofna uusan tanaasulin.

Waxaa codadka dhiibtay 328 xildhibaan oo ah xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka, waxaana ka maqnaa kaliya hal xildhibaan.

21 murashax ayaa u taagneyd doorashadan, waxaase gudbi doonaa kaliya afarta musharax ee kor ku xusan.

XS
SM
MD
LG