Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sh/Dhexe: Dagaal Dhexmaray Amisom iyo Al-Shabaab


Ciidamada Kenya

Dagaallo qaraar ayaa maanta ka dhacay degaanka Miirtuugo ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxayna u dhexeeyeen ciidamada Burundi ee AMISOM iyo maleeshiyada Al-Shabaab.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa VOA u sheegay in dagaalka uu dhashay markii kooxda Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Amisom oo marayey meel u dhow deegaanka Miirtuugo.

Ciidamo kale oo ka tagay magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay gacan siiyeen ciidamada Amisom, ayada oo dagaalkuna uu socday muddo ku dhow hal saac.

Illaaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dagaalladan.

Warkan waxaa magaalada Beledweyne nooga soo diray weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane.

please wait

No media source currently available

0:00 0:01:02 0:00

XS
SM
MD
LG