Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Walaac ka Dhashay Hadalkii Trump ee Putin


Trump- Putin
Trump- Putin

Kooxaha xuquuqda aadanaha, sharci dejiyeyaal iyo Jeneraalo iyo Safiiro hore oo Mareykan ah ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin sida madaxweyne Trump uu u difaaco madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Wareysi uu axaddii siiyey Taleefishinka Fox, ayaa Donald Trump waxa uu mar kale ku celiyey sida uu u xushmeeyo Putin. Markii weriye Bill O’Reilly uu Trump ku yiri in Putin uu yahay ‘dilaa’, Trump waxa uu ku jawaabay “Waxaan anagaba leenahay dilaayaal badan. Maxaad u maleeneysaa, in waddankeenu aanu waxba galabsan?”

La-agaasimaha barnaamijka Mareykanka ee hay’adda Human Rights Watch, Maria McFarland ayaa VOA u sheegtay inay ka walaacsan tahay hadallada Trump ee ku aadan Russia.

“Waa hadal yaab leh, hase yeeshee Trump waxa uu weligiis ahaa qof hoos u dhiga ku xadgudubka xuquuqda aadana ee dowladda Russia, waxaan aragnaa in Russia ay dambiyo dagaal ka galeyso Syria.” ayey tiri.

Hogaamiyaha sare ee Senate-ka Mareykanka Mitch McConnell oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa ku gacan seeray is bar-bar dhiga Trump ee Russia iyo Mareykanka.

“Marnaba uma howlgalno si la mid ah dowladda Russia” ayuu yiri McConnell.

XS
SM
MD
LG