Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamad Diidday Racfaankii Maamulka Trump


Maxkamadda racfaanka Maraykanka ayaa diidday codsiga maamulka madaxweyne Trump ee ah, in la hakiyo amarkii madaxweyne Donald Trump ee uu toddobo waddan oo ay badi dadkiisu muslim yihiin kaga joojinayay inay yimaadaan dalkan Maraykanka.

Maxkamadda racfaanka ee ku taalla magaalada San Francisco ayaa weydiisatay maamulka Trump iyo gobolka Washington goor hore oo Axaddan maanta ah inay xareeyaan doodo dheeri ah ugu dambeyn galabnimada Isniinta.

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ayaa racfaanka xareysay galinkii dambe ee maalintii Sabtida taasoo jawaab u ahayd amarka garsooraha maxakamadda federaalka ah ee sida ku meel gaarka ah u beddelayay mamnuucidda.

Saacado ka dib markii xaakinka Federaaliga ah James Robart, uu hakiyey amarkii fulinta, ayaa madaxweyne Trump wuxuu eedayn u jeediyey Xaakinka, isaga oo uga digay in amarka uu soo saaray uu fursad siin doono in dad badan oo xun oo halis ahi inay dalka soo galaan.

Warbixin ku Saabsan Muranka Socdaalka Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:35 0:00


XS
SM
MD
LG