Malainta Arbacada ee soo socota oo bishu tahay 8-da Febraayo waxaa la qaban doonaa doorashada madaxweynaha dalka Soomaaliya.
Barnaamijkeenna Faaqidaadda Toddobaadka waxa uu ku saabsan yahay barnaamijka iyo siyaasadda musharrixiinta u tartmaya madaxweynenimada Soomaaliya, waana kii ugu horreeyey ee saddex barnaamij oo aan ku waraysanayno musharrixinta xilka madaxweynaha intii ana heli karno.
Waxaa qeybtan ka qeyb galaya Shariif Sheekh Axmed, Cabdullaahi Ciilmooge Xersi iyo Maxamed Maxamuud Culusow.
Waxaa naga xusuusin ah in qaar ka tirsan musharrixinta ay diideen inay waraysi siiyaan idaacadda VOA ama ay ka qayb galaan dood.
Barnaamijkan maanta waxaa inoo soo wada jeedinaya Caasha Ibraahim Aadan iyo Jacfar Kuukaay.