Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: 8 Askari oo Weerar Lagu Dilay


Saraakiisha Waqooyiga Galbeed ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in qof la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay kooxda Taliban uu dilay ugu yaraan sideed booliis ah, maalmo un kadib markii uu isa soo dhiibay, oo uu boliiska kusoo biiray.

Weerarka ayaa xalay ka dhacay bar ammaanka lagu hubiyo oo ku taalla degmada Almar ee gobolka Fayrab.

Afhayeen u hadlay booliiska gobolka Karim Yorosh ayaa VOA u sheegay in qofka weerarka gaystay uu qaatay dhammaan hubkiii iyo rasaastii ka hor inta aanu ka cararin goobta. Dhibanayaasha ayaa badankood ka wada tirsanaa hal qoys.

Ninka weerarka gaystay oo horey Taliban uga tirsanaa ayaa 15 maalmood ka hor isku soo dhiibay boliiska, wuxuuna dib ugu laabtay kooxda, markii uu weerarkan fuliyey kadib.

Guddoomiyaha degmada weerarku ka dhacay Mohammad Saleh Saleh ayaa TV-ga TOLO u sheegay in ninka weerarka gaystay uu sumeeyey askarta ka hor inta aanu xabado ooda uga qaadin.


XS
SM
MD
LG