Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Weerar Dad Rayid ah Lagu Dilay


Boosaaso
Boosaaso

Laba ruux oo rayid ah ayaa geeriyootay laba kale oo ka tirsan ciidamada Puntland-na dhaawac ayaa soo gaaray kadib marki koox hubeysan ay weerareen xalay sagaalkii fiidnimo bar koontarool oo ku taalla dhinaca koofureed ee magaalada Boosaaso.

Goobjoogayaal ayaa VOA-da u sheegay inay maqleen rasaas u muuqatay inay is weydaarsadeen ciidamadii koontaroolka joogay iyo kooxihi soo weeraray.

Saraakiisha Maamulka Puntland oo ay VOA la xiriirtey ayaa shegay inay baxsadeen raggii weerarkaasi geystey oo ay saraakiishu sheegeen in qaar ka mid ahi la dhaawacay.

Dilal qorsheysan iyo weeraro gaadmo ah ayaa maalmihi dhawaa ka dhacay Boosaaso, waxaa intooda badan sheegtay koox sheegatay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.


XS
SM
MD
LG