WASHINGTON. DC —
Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mareykanka General Michael Flynn ayaa Arbacadii cambaareeyey tuuristi ay Dowlada Iran tuurtay gantaal nuuca balistikada ah.
Jeneraalka howlgabka ah Michael Flynn ayaa sheegay in Xukumada Tehran ay khatar gelineyso heshiiski ay quwadaha aduunka oo uu Mareykankuna ku jiray la gaareen Dowlada Iran sanadki 2015-ki.
Jeneraalka ayaa ku eedeeyey Iran in ridista gantaaladan ay ku cabsigelineyso dowladaha gobolka, isaga oo Dowladi madaxweynihi hore ee Mareykanka Barak Obama ku cambaareeyey ineysan talaabo kufilan ka qaadin Dowlada Iran.