Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dana Boente oo Amray in la Difaaco Go'aanka Trump


Saacado kadib marki uu shaqada ka eryey madaxweyne Trump ku simihii Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Sally Yates oo u hogaansami weyday amarka uu Trump kusoo rogay qaxootiga, ayaa ninka booskeeda lagu bedelay waxa uu ku amray Waaxda Cadaaladda Mareykanka inay difaacaan amarada madaxweynaha.

Trump ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Dana Boente inuu noqdo Xeer Ilaaliye ku meel gaar ah, inta uu Golaha senate-ka si rasmi ah uga aqbalayo ninka uu Trump u magacaabay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions.

Xalay ayey aheyd marki uu madaxweyne Trump si deg deg ah xilkii uga qaaday ku simaha xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka Sally Yates, oo qareenada Waaxda Caddaaladda u sheegtay inaysan difaacinn go’aanka madaxweynaha.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka cad ayaa lagu sheegaycin Sally Yates oo ka tirsanayd maamulkii madaxweyne Obama ay ku gaftay wasaaradda garsoorka ka dib markii ay diiday inay meel mariso sharci loogu talagalay inuu difaaco dalka Maraykanka.

Go’aanka Trump uu dalka Mareykanka kaga mamnuucay muwaadiniinta dalalka Somalia, Syria, Iran, Yemen, Libya, Sudan iy Iraq ayaa abuuray carro xooggan, waxaana la filayaa in maxkamad laga diiwaan geliyo codsi amarkaas looga laabanayo.

XS
SM
MD
LG