Barnaamijka wicitaanka dhageystaha ee toddobaadkan waxaa marti ku ah danjiraha dowladda Soomaaliya u jooga magaalada Washington Axmed Ciise Cawad. Axmed waxa uu ka jawaabayaa su'aalo ku saabsan kaalintii ay safaaradda Soomaalida ee magaalada Washington ku lahayd dib celinta dad Soomaali ah oo ay tiradoodu dhameyd 90 oo toddobaadkii hore laga musaafuriyay dalkan Maraykanka. Dadkaasi oo in muddo ahba ku jiray xabsiyo ku yaala dalka Mareykanka ayaa isug jiray kuwa loo diiday in magangalyo laga siiyo dalkan iyo kuwa loo haystay dambiyo kala duwan.
Waxaa safiirka ku wehliyay barnaamijka qaar ka mid ah dadkii la celiyay, iyo dhageystayaal kale.
Jaamac Buule Jaamac ayaa barnaamijka soo diyaariyay soona jeedinaya.