Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsade Lagu Dhaawacay Boosaaso


Sidii aad idaacadeenii saakay ku maqleyseen, Maleeshiyo la sheegay inay ka tirsanyihiin kuwii taabacasanaa ururka Daacish ee dhawaan kula dagaalamay ciidamada Puntland Agagaaraha Magaalada Qandala ee gobolka Bari ayaa sagaal rag ah kala degay gaari ay wadada u galeen oo ka yimi Qandala kuna sii jeeday magaalada Boosaaso.

Ragga gaariga lagala degan ayaa waxaa ku jiray dhowr ka tirsan ciidamada Puntland.

Hadaba wararkii ugu dambeeyay ee arintan ayuu Maxamed Cabdi Xassan uu ka wareystay, Wariyeheenna Faadumo Yaasiin Jaamac oo ku suggan magaalada Bosaaso, wuxuuna ugu horeyn wax ka weydiiyay Ganacsade lagu magacaabo Burhaan ilka dhagax oo duhuradii maanta dhaawac culus loogu geystay magaalada.

Dhageyso Wararka Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:54 0:00

XS
SM
MD
LG