Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Beledweyne


Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhimatay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino oo dhulka lagaliyay lala eegtay rag la sheegay in ay Isbaaro u tiilay degaanka Burjada Jiinta oo ilaa 5 KM dhinaca galbeed ka xigta Baledweyne.

Goobta qaraxa miinada lagula eegtay ayaa aheyd meel si joogta ah loogu dhaco gaadiidka Muqdisho iyo Gobalka Bokol ka yimaada ee Baledweyne ku socda, sida ay goobjoogayaashu sheegayaan.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa la sheegayaa inay ku guuleysteen in ay si nabad galyo ay ku bixiyaan miino lagu qariyey meel u dhow guri uu lahaa nabaddoon caan ka ah magaalada oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag

XS
SM
MD
LG