Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa arbacadii amray in darbi laga dhiso xuduudda Mareykanka ee dhinaca Koonfurta ee uu la wadaago dalka Mexico, si loo joojiyo dadka sida sharci darrada ah dalka usoo galaya.
Trump ayaa amar fulineedkan dhinaca socdaalka saxiixay kadib markii uu booqasho ku tagay xarunta wasaaradda Amniga Gudaha, ee ah hay’adda federaalka Mareykanka u qaabilsan ilaalinta xuduudaha.
“Waxaan ku guda jirnaa xasarad ka taagan xuduuddeena Koonfureed. Dadka sida aan caadiga ahayn ee sharci darradaha uga imanaya Bartamaha America waxay dhaawacayaan Mexico iyo Mareykankaba” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa taleefishinka ABC News u sheegay in dhismaha darbiga lagu billaabi doono bilo gudahood, islamarkaana Mexico ay bixin doonto lacagta ku baxeysa.
Si kastaba madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto ayaa mar kale si cad u sheegay in dalkiisa aanu marnaba bixin doono qiimaha ku kacaya dhismaha darbigaas.