Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashada Madaxweynaha Somalia oo Waqti Cusub loo Qabtay


Guddiga doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku doortay guddoomiyaha guddigaas oo loo magacaaby xildhibaan Dr. Cabdiraxmaan Duceyle Beyle.

Waxaa sidoo kale guddoomiye ku xigeen loo doortay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare.

Dhinaca kale, guddiga ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhici doonto sideedda bisha Febraayo ee foodda nagu soo haysa.

Musharaxiinta madaxweynaha ayaa loo qabtay inay isku diiwaan-geliyaan inta u dhaxeysa 26-ka illaa 29-ka bishan Janaayo, ayada oo khudbadaha musharaxiinta la dhageysan doono labada illaa shanta bisha Febraayo.

Doorashada oo dhowr mar oo hore dib u dhacday ayaa lagu rajo weyn yahay ina markan ay ku qabsoonto waqtiga cusub ee loo qabtay.

Wariyeheenna Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka Taleefanka ee Muqdisho ku wareysatay Dr. Beyle, oo ay wax ka weydiisay go’aanadooda maanta.

Wareysi: Cabdiraxmaan Beyle
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:51 0:00

XS
SM
MD
LG