Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Laba Qarax oo ka Dhacay Hotel Dayax


Qaraxa Dayax
Qaraxa Dayax

28 qof ayaa ku geeriyootay, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen markii koox dabley ah ay baabuur ku qarxiyeen kadibna gudaha u galeen hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa u badan shacab, waxaase ku jira qaar ka mid ah ciidamada amniga sida ay sheegeen kooxaha gurmadka deg degga ah.

Saraakiisha dowladda iyo kooxaha gurmadka deg degga ayaa sheegay in laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay sare usii kacdo.

Hotelka Dayax ee weerarka uu ka dhacay ayaa u dhow xarunta baarlamanka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab, oo horey weeraro badan ugu qaaday hoteelada Muqdisho iyo goobaha muhiimka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Qiyaastii 40 daqiiqo kadib markii uu weerarka billowday ayaa waxaa banaanka hotelka ka dhacay qaraxii labaad.

Goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in baabuurka qarxay uu ahaa kii maleeshiyada weerarka fulisay keenay hotel-ka, ayna u badan tahay in lagu qarxiyey remote.

Ugu yaraan toddoba weriye ayaa ka mid ahaa dadka ku dhaawacmay qaraxa labaad, sida uu sheegay Maxamed Ibraahim Macalimu, oo ah xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka ee NUSOJ.

Weriyayaasha VOA ee Muqdisho, Xasan Kaafi Qoyste iyo Cabdulqaadir ayaa OK kasoo warramay.

Laba Qarax oo ka dhacay Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:59 0:00

XS
SM
MD
LG