Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 Askari oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Afgooye


Ciidamada dowladda (Sawir hore)
Ciidamada dowladda (Sawir hore)

Ugu yaraan toddoba ka tirsan askarta dawladda Soomaaliya ayaa ku dhimatay qarax saaka ka dhacay xaafadda Buulo Fooliyo ee degmada Afgooye, sida ay idaacadda VOA u sheegeen saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhashay miino lagu aasay dhulka, waxaana mas'uuliyiintu sheegeen inay tuhunsan yihiin inay halkaasi dhigeen maleeshiyada ururka Al-Shabaab oo isla xaafaddaas soo galay shalay kadib weerar ay kusoo qaadeen Afgooye.

Weerarka shalay lagu soo qaaday Afgooye waxaa ku dhintay qof rayid ah ilaa 4 kalena way ku dhaaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay inay saaka ku baxeen degaannada dhul beereedka ee dhinaca Awdheegle kaga beegan magaalada Afgooye, halkaasi oo la filayo inay Al-Shabaab kasoo qaadeen weerarka.

Faahfaahinta qaraxan ayaa Falastiin Axmed Iimaan waxay ka waraysatay guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Caalim Macalim Ibraahim.

Qarax ka dhacay Afgooye
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG