Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daroogo 500 oo KG ah oo lagu Gubay Jabuuti


Djibouti
Djibouti

Xukumadda Djibouti ayaa maanta soo bandhigtay shixnad daroogada nooca Kokeynka loo yaqaan ah oo lagu qiyaasay inay ku kaceyso boqol milyan oo dollar.

Daroogadan oo ku jirtay jawaanno 500 kg ah, ayaa waxaa dhawaan lagu qabtay dekedda Djibouti, waxaana maanta dab lagu qabadsiiyay meel fagaara ah.

Daroogada maanta la gubay ayaa markii la qabanayey waxaa lagu soo dhex qariyey konteenaro ay ku jiraan jawaani sonkor ah oo laga soo raray dalka Brazil.

Daroogadan ayaa waxaa loo xiray ganacsade Jabuuti ah iyo rag u dashay dalka Brazil.

Wariyeheenna Ramadan Muuse ayaa warbixintan kasoo diray Jabuuti.

Daroogo lagu gubay Jabuuti
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG