Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka oo Maanta ku Dibadbaxaya Trump


Maalin kadib markii boqolaal kun oo qof ay ka qeyb galeen caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, ayaa kumanaan qof oo kale la filayaa inay isugu soo baxaan magaalada Washington, si ay uga mudaaharaadaan siyaasadaha madaxweynaha cusub.

Dadka abaabulaya isu soo baxa haweenka ee Washington ayaa sheegay inay filayaan inlaba boqol oo kun oo qof ay ku banaanbaxaan aqalka congress-ka Mareykanka ee Capitol Hill ee illaa National Mall.

Saraakiisha magaalada Washington ayaa sheegay in 1,800 oo bas ay isku diiwaan geliyeen inay baabuurta dhigtaan magaalada maanta oo sabti ah, taasi oo macnaheedu yahay in boqol kun oo qof ay ku iman doonaan basas.

Dadka dibad baxa abaabulaya ayaa sheegay inay doonayaan inay fariin u diraan Donald Trumo maalinkiisii ugu horeeyey ee buuxa ee xafiiska una sheegaan in xuquuqda haweenka ay la mid tahay xuquuqda bani aadamka.

Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay ku baaqi doonaan sinnaan dhinaca jinsiga iyo midabka ah, daryeel caafimaad oo raqiis ah, iyo xuquuqda in dumarka ay iska soo ridaan ilmaha - arrimahaas oo au sheegeen inay halis ugu jiraan madaxtinimada Trump.

XS
SM
MD
LG