Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay Abaarta


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in abaarta ba’an ee ka jirta Somalia ay halis ku heyeso nolosha dad ku dhow saddex malyuun oo qof, guud ahaanna ay saameysay shan malyuun oo qof.

Hadalkan ayaa laga sheegay shir jaraa’id oo ay maanta magaalada Muqdisho ugu qabteen guddiga qaran ee abaaraha iyo madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in gobollo badan ay dhammaanayaan dadkii da’da ahaa iyo caruurta, oo ay soo hareen dadkii xoogga lahaa.

Shalay ayey ahayd markii hay’adaha QM ay dalbadeen lacag ku dhow sagaal boqol oo milyan oo dollar oo wax loogu qabanayo dadka ay saameeyeen abaaraha Soomaaliya.

Wariyeheenna Muqdisho Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixintan kasoo dirtay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo ka hadlay abaaraha
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:23 0:00

XS
SM
MD
LG